U bood dhigaalka

Dhageyso: Abukaate Sheegay In Waddo Aan Sharci Ahayn Loo Maray Xiristii C/raxmaan C/shakuur.

Sheeko:Dalka

Abukaate Daahir Maxamed oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa ka hadlay sharci ahaanshiyaha xarigga siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u xiran dowladda Federaalka.

Wuxuu sheegay Abukaataha in aan ammar maxkamadeed lagu soo xirin Shakuur, balse ay soo xireen hay’adaha amniga iyo xafiiska xeer ilaalinta.

Waxa uu tilmaamay marka maxkamad la’aan qof lasoo xiro iney tahay in 48 saac gudahood maxkamad lagu keeno si haddii loo baahdo waqti baaris lasii bixiyo.

Saddex qodob oo dhanka sharciga ah ayuu sheegay in lagu xadgudbay markii ay ciidamada ammaanka soo xirayeen siyaasi C/raxmaan C/shakuur.

“Waxaa muuqaneysa soo xirista C/raxmaan iney xiriir la leedahay cabiraad aragtida siyaasadeed ee uu cabiray, aragtida siyaasadeed in la cabirana waxaa damaanad qaaday Dastuurka  qodobka 18-aad iyo qodobka 22-aad, gaar ahaan dadka siyaasiyiinta ah iney cabiraan aragtidooda siyaasadeed, marka waxaa muuqato inaan la xurmeyn damaanadihii uu Dastuurka dadka siinayey, C/raxmaan waxaa lagu qabtay hoygiisa, hoyagana wuxuu leeyahay xurmo qodobka 19-aad ee Dastuurku wuxuu qeexayaa inaan qofka muwaadinka ah hoygiisa la geli karin, la baari karin haddii aan loo haysan ammar maxkamadeed oo sababeysan, marka sida muuqatana waxa waaye inaan lahaysan ammar maxkamadeed oo sababeysan waxaana lagu xadgubday xurmadii hoyga ee kamid ahayd xuquuqda qofka muwaadinka ah loo damaanad qaaday, sidoo kale qaladka dhanka sharciga laga galay waxaa kamid ah, qodobka 44-aad ee xeerka habka ciqaabta wuxuu leeyahay qof muwaadin ah lama soo xiri karo laga bilaabo 6-da maqribnimo illaa 7-da subaxnimo, marka xilliga lasoo xiray qofkaan muwaadinka ah waxaa ka muuqaneysa in qalad dhanka sharciga ah ka jiro” ayuu yiri Abukaate Daahir.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegtay in maxkamad cadaaladeed lasoo taagi doono siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News