U bood dhigaalka

Dhageyso: Adeegsiga Mooto Bajaajta Oo Kusoo Badanaya B/weyne

Sheeko:Dalka

Adeegsiga gaadiidka loo yaqaano Bajaajta laguna raaco qiimo aad u yar ayaa kusoo badanaya muddooyinkaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waa gaadiidka ugu badan xilligaan isaga kala goosha Afarta xaafad ee ay ka kooban tahay magaalada B/weyne, marka loo eego gaadiidka kale ee dadweynaha.

Dhallinyaro badan oo aaminsan in ay horumar kusoo kordhiyeen B/weyne ayeey dhanka kale shaqo abuur u noqotay, waxaana adeegsiga Mooto Bajaajta aad looga dareemayaa magaaladaasi.

Mowliid Xasan, waxa uu kamid yahay dhallinyarada ku shaqeysta Mooto bajaajta, wuxuu Goobjoog u sheegay in shaqadooda ay aad ugu qanacsan yihiin, islamarkaana meesha ay ka baxday sida uu sheegay shaqo la’aan dhallinyarada haysatay.

Sidoo  kale, Mowliid ayaa sheegaya in dhallinyaro badan  oo ku haminayey iney dalka ka tahriibaan ay hadda shaqo wanaagsan u noqotay Bajaajta.

Gadiidka dadweynaha iyo qaar kamid ah kuwa raaxada ayaa isticmaalkooda gaabis ku yimid gudaha B/weyne, kadib markii dadweynaha u bateen isticmaalka Bajaajta.

Shacabka B/weyne ayaa dhankooda iyaguna soo dhoweeyay isticmaalka Bajaajta iyo in Mootadan ay magaalada si xowli ah uga shaqo bilowdo.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta:

Goobjoog News