Dhageyso: Ahlu-sunna Oo Lagu Eedeeyay Ineysan Daacad Ka Ahayn Wadahadalada Galmudug
Mahad Maxamuud oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimahagudaha ee Galmudug ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in maamulka Ahlu-sunna ee gobollada dhexe aanu daacad ka ahayn wadahadallada.
Waxa uu sheegay in marar badan maamulka Galmudug ay dedaal ku bixyeen sidii loola hadli lahaa Ahlu-sunna, balse dhankooda dib u dhac badan keenay waa sida uu hadalka u dhigaye.
Mahad ayaa sidoo kale sheegay in marar badan waxgarad ay u tageen dhanka Ahlu-sunna, markii la balamana ay balamada ka baxaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Ahlu-sunna aysan is xukumi karin oo qof walbo dhankiisa u taagan yahay.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu ku dedaalayo sidii maamulkiisa ula heshiin lahaa Ahlu-sunna Waljameeca.
Halkaan hoose ka dhageyso
Goobjoog News