U bood dhigaalka

DHAGEYSO: Ahlu-sunna Oo Sheegtay Inaanu Jirin Heshiis Ay La Galeen Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka gobollada dhexe ee Ahlu-sunna Waljameeca ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay in uu jiro heshiis ay la galeen maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdullaahi Xirsi Diirshe, oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in uusan jirin heshiis rasmiya oo Galmudug ay la gaareen, haseyeeshee ay soconayso waanwan la isugu keenayo labada dhinac.

Waxa uu sheegay in hadalkii Jeneraal Galaal ay u arkaan nin xilkas ah oo iskiis isku xilqaamay islamarkaana ay ku taageerayaan howsha uu wado.

Madaxweyne ku xigeenka oo aan weydiinay sida uu xalka ku jiro ayaa sheegay in mar walba ay diyaar u yihiin wada hadal kasta oo lagu dhammeynayo khilaafaadka ka taagan gobolka Galgaduud.

Waxaa soo baxayay warar sheegayey in Ahlu-sunna Waljameeca iyo Galmudug ay gaareen heshiis ka kooban dhowr qodob.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News