U bood dhigaalka

Dhageyso: Ahlu-sunna Oo Sheegtay Iney Diyaar u Tahay Wadahadal Ay La Gasho Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka gobollada dhexe ee Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sheegay iney diyaar u yihiin wadahadallo ay la galaan Galmudug, islamarkaana lagu helayo wax walbo oo bulshada dan u ah.

Ku xigeenka hoggaamiyaha maamulka Ahlu-sunna C/laahi Xirsi Diirshe oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay doonayaan in laga taliyo danta dadka.

Waxyaabaha dhacay ayuu sheegay iney muhiim tahay in laga wadaxaajoodo, la helo dad u jajaban wadahadallada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga dowlad goboleed ahaa Dadku malaa’ig ma ahan waxbaa qaldamaya ama saxmaya, waxaan qabaa in wadahadal umaddu ku dhameysato waxa dhexyaalla, waqti la siiyo wadahadalka, la ogolaado wadahadalka, dad howshaasi ehel u ahna loo dhiibo” ayuu yiri Diirshe.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo isna la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay inuu socdo wadahadallo hoose oo ay la leeyihiin Galmudug.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News