U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqoonyahan Idiris “Shirarka Dibadda Waa In Dowladda U Aadaan Agaasimayaasha”

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Idiris Sheekh Xasan Faarax oo ku sugan dalka Finland ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan madaxda sare ee dalka in safarada dalalka dibadda ah ay u diraan agaasimayaasha wasaaradaha dowladda iyo wasiirada, lana soo celiyo karaamada shaqsiga, madaxweynahana uusan badin safaradiisa dibadda ah.

Idiris ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dalka ay yareeyaan safarrada dibadda oo uu sheegay in aynaan waxba soo kordhineyn.

Aqoonyahankan oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa tilmaamay in hadda dalka  meel fiican uu ku wajahan yahay balse la doonayo in madaxda ay dhabar adeeg badan sii muujiyaan.

“Madaxda yeesan u safrin sida kuwii hore oo kale, madaxweyne haddii uu baxayo hadafka ugu weyn waa ganacsi, waxaana raaca shirkadaha waaweyn si loo suuq geeyo, shirkado kalena loogu soo xiro, sidoo kalena haddii safarro aan muhiim ahayn yimaadaan waa in la diraa wasiirada ama agaasimayaasha wasaaraaha si loo soo celiyo karaamada shaqsiga” ayuu yiri Idiris.

Ugu dambeyn Idir Sheekh Xasan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney xoogga saarto amniga iyo kala dambeynta, una istaagaan la dagaalanka Al-shabaab iyo cadowga Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka

Goobjoog News