U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqoonyahan Ka Hadlay Doorka Soomaaliya Ee Tartanka Dhaqaale Ee Qaaradda Afrika

Sheeko:Dalka

Professor Sheekh Nuur Khaasim oo darsay culuumta xiriirka dhaqaalaha caalamiga ah ayaa Goobjoog News wareysi gaar ah oo uu siiyay kaga warramay tartanka dhaqaale ee ka soconaya qaaradda Afrika ee ay ku jiraan dowladaha waa weyn ee dunida.

Tartanka dhaqaale ee Afrika siiba geeska Afrika waxaa dowladaha ku jira ugu horreeya Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo Maraykanka.

“Dowladda ma qabo aniga waqtigani xaadirka ah in la iska galo heshiis kasta” ayuu yiri aqoonyahan Nuur Khaasim.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in aynaan Soomaalida ku degdegin heshiisyada ganacsiga suntan.

“Waa inaan xoogga saarnaa geeska Afrika, waxaa hubaal ah inaan noqon karno in dadkayagu noqdaan dad awood leh, waana marka annaga dhexdeenna aan yeelanno sharci na haga, dadka aqoonta dhaqaalaha u leh laga qeyb-geliyo” ayuu yiri Proff Sheekh Nuur.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News