U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqoonyahan Rajo Xumo Ka Muujiyey Shirka Ka Socda Baydhabo

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud oo ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa rajo xumo ka muujiyey shirka golaha amniga qaranka ee ka socda magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay Caalim in shirkaan iyo kuwo la mid ah ay horey dalka uga dhaceen, balse aan la arag natiijo kasoo baxday.

Waxa uu tilmaamay Caalim in loo baahan yahay in laga miro dhaliyo shir walba waxa kasoo baxa, balse aan la dooneyn shir qoraal ku eg.

Sidoo kale aqoonyahankaan ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee jirta ay tahay fulin la’aanta heshiisyada qaranka ee la gaaro.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News