U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqoonyahan Sheegay In Ciidan Qaran Aan La Dhisi Karin Taageero La’aanta Caalamka

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidan qaran aan la dhisi karin iyadoo aan taageero laga helin Caalamka.

Diblumaasi Caalim ayaa sheegay in dalka oo helo ciidamo qaran ay ku imaan karto iyadoo dhaqaale iyo saraakiil khubarro ah oo dowladda Soomaaliya arrintaasi ka saacida ay lagama maarmaan tahay.

Wuxuu tilmaamay in dalalka reer galbeedka ay saluugsan yihiin sida dowladdu wax u waddo oo dagaalka wadamadaasi iyo Turkiga uu saameyn ku yeelan Karo dhismaha ciidanka qaranka.

Diblumaasiga ayaa tilmaamay in dowladda Jarmalka ay qorsheyneyso inay saraakiisheeda wax tababara kala baxayso dalka iyadoo horay Maraykanka uu u jartay sahaydii uu siin jiray ciidamada Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News