U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqoonyahan Sheegay In Hadalkii Keating Ee Golaha Ammaanka Kaga Warbixiyey Xaaladda Soomaaliya Aanu Isku Dheelitirney

Sheeko:Dalka

Dr. Bashiir C/qaadir oo kamid ah aqoonyahannada Soomaaaliyeed ayaa sheegay in hadalkii dhowaan uu wakiilka QM ee Soomaaliya Micheal Keating uu ka sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kagana hadlayey xaaladda Soomaaliya aanu ahayn mid isku dheelitiran.

Waxa uu tilmaamay Dr. Bashiir, in Keating uu Soomaaliya ka dhigay dowlad aan burbur soo marin, islamarkaana shaqeyneysay muddo badan.

Beesha caalamka ayuu sheegay iney tahay tan kaliya ee ay ka degi la dahay Soomaaliya, xilli walbana ay raadiyaan cid ay iyaga rabaan oo madax looga dhigo wadanka.

“Markii runta laga hadlo, wadanka Soomaaliyeed 26 sano dowlad la’aan ma ahaadeen, mushkiladda waa bulshada caalamka, dadkii wax dhex dhexaadinayey haddii aanay iyaga dhex dhexaad ahayn, dano kale iyaga leeyihiin, ay rabaan in dad kale madax ka dhigtaan waa taas mushkiladda”

Keating ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kahor sheegay in xaaladda Soomaaliya weli aanay fadhin, islamarkaana ay jiraan waxyaabo badan oo u baahan wax ka qabasho.

Hadalkii Keatin halkaan ka akhriso (Riix)

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Dr. Bashiir C/qaadir:

Goobjoog News