U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqoonyahan Sheegay In Rabshadaha Itoobiya Ay Ka Dambeeyaan Siyaasiyiin

Sheeko:Amniga

Aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo ka faallooda siyaasadda gobolka Afrika ayaa ka hadlay dhacdooyin ka soo cusboonaaday meelo kamid ah wadanka Itoobiya gaar ahaan magaalo madaxda Addisababa iyo gobolka Soomaalida.

Wareysi uu siiyay Goobjoog News ayuu ku sheegay in dibadbadyada rabshadaha wata ee ka dhacay Addisababa iyo Jigjiga ay ka turjumayaan Raysal wasaare Abiy oo aan u diyaargaroobin awoodda uu la wareegay.

“Waxaad mooddaa su’aalihii dowladdii hore la hor dhigay oo la xiriira cadaalad darro, dhaqaale xumo, Oromada oo weli leh dhulkeennii waa naga la heysta iyo runtii isfaham la’aan iyo nacayb ka dhaxeeya siyaasiyiinta gaar ahaan Amxaarada iyo Oromada” ayuu yiri Proff Faysal Rooble.

Waxaa uu tilmaamay in dhibaatooyinkani ay si sahlan ku dhammaan karaynin islamarkaana inta laga xallinayo arrimaha cadaaladda oo tabasho ay ka jirtay illaa Haila Sallasa iyo arrinta dhaqaalaha oo ka taagan gudaha Itoobiya.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay rabshado ka soo cubsoonaaday magaalada Jigjiga oo maalin dhoweyd dhacay.

Wuxuu sheegay in ay jirto cabsi kale oo la xiriirta in mudaharaadyo ay ka curtaan gudaha Soomaali Galbeed.

Professor Faysal Rooble ayaa ugu dambeeyn wareysiga uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay waxa uu ula muuqdo xalka guud ahaan federaalka Itoobiya iyo gobolka Soomaalida oo xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News