U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqoonyahan Sheegay In Suurtagal Tahay Shiinaha Inuu Cunaha Qabto Dhaqaalaha Africa

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faallooda siyaasadda arrimaha gobolka Afrikan ayaa wax ka weydiinay shirka magaalada Beijing uga furmay dalka Shiinaha iyo qaaradda Afrika.

Shirkani oo la magac baxay madasha iskaashiga Shiinaha Afrika ayaa ujeedku yahay sidii dalkaasi uu qaaradda uga sameyn lahaa maalgashi iyo mashaariicyo badan.

Aqoonyahan Maxamed Caalim ayaa sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in Shiinuhu uu cunaha qabto dhaqaalaha Afrika.

Shirkani oo ay ka qeyb galayaan 53 dal hoggaamiyeyaashooda oo Afrika ayaa lagaga hadlayaa sidii sare loogu qaadi lahaa kobaca dhaqaale ee dowladaha Afrikaanka ah oo ay Soomaaliya ku jirto.

Caalim ayaa tusaale u soo qaatay in Shiinaha dalal uu horay u maalgaliyay ay dhacday in shaqaale dalkiisa u dhashay uu keensado taasoo meesha ka saaraysa in dadkii muwaadiniinta ahaa ay fursad u heli waayaan dhaqaalaha iyo kheyraadkooda.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Goobjoog News