U bood dhigaalka

Dhageyso: Axmed Madoobe “Wadankaan Amnigiisa Wuxuu u Baahan Yahay Gacan Adag In Lagu Qabto”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo hadal ka jeediyey furitaanka shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan xaaladda dalka.

Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa soo jeediyey in la joojiyo daqiiqadaha loo istaagayo marka shacabka lagu laayo qaraxyada, ee taasi bedalkeeda lala yimaado in lala dagaallamo Al-shabaab.

Waxa uu soo hadal qaadey shirkii Kismaayo oo uu sheegay inuu ahaa mid la isku soo dhowaanayey, balse aanu ahayn mid dowladda dhexe ka dhan ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in cid walbo ay ka faa’ideysato waqtiga ay joogto oo ay la timaado waxqabad weyn si taariikhda Soomaaliyeed ay baal dahab ah uga galaan.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed hadda u baahan yihiin waxqabad dhab ah, si looga saaro dhibaatooyinka jira.

Mar uu ka hadlayey dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ayuu sheegay madaxweynaha Jubbaland in si cabsi la’aan ah loo weeraro meel walbo oo ay joogaan Al-shabaab, la iskana daayo in markii shacabka dhibaato loo geysto kaliya loo baroor diiqo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News