U bood dhigaalka

Dhageyso: Baaq Loo Diray Beelaha Ku Dagaallamaya Wanlaweyn, Shabellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Maamulka degmada walaweyn ee gobolka Shabellaha hoose ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo xiisado colaadeed oo degmadaas ka jira.

Yuusuf Maxamed, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulkaas ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa dagaal u dhexeeya Laba meleshiye beeleed oo wada daga degmadaas.

Dagaalka ayaa salka ku haya dhul daaqsin Labada dhinac ay isku qabteen, walow weli aan si rasmi ah loo kala dhex-gelin dhinacyada dirirtu ka dhaxeeyso.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, mana jirto weli xal rasmi ah oo laga gaaray.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News