U bood dhigaalka

Dhageyso: Baaq Nabadeed Oo Loo Direy Galmudug Iyo Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah siyaasiyiinta gobolka Galgaduud ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda gobolkaas ka soo cusboonaatay ee u dhaxeysa maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Cabdi Maxamed Axmed oo mar soo noqday madaxweyne ku xigeenka maamulkii Ximan iyo Xeeb ayaa soo jeediyay in laga shaqeeyo nabadda degaanka.

Waxa uu Galmudug ugu baaqay in Cadaado aynaan noqon meel ay kaga duusho degaannada kale ee gobolkaasi Galgaduud.

“Maalmahan dhan waan ogeyn waxa ka socda Galgaduud, Xeraalle dagaalka ka socda xaq ma ahan..xilli dagaal la qaado ma ahan, arrimo siyaasadeed in dadka loo laayo waa laga soo gudbay, waxaan maqlay in dagala la qaaday oo lagu qaaday Ahlu-sunna oo la aaday Mareergur iyo deegaannadaasi waxaan leenahay sax ma ahan, iskumaan ogeyn in dagaal la aado wadahadal iyo nabad ayaan sugeynnay” ayuu yiri Cabadi Maxamed.

Xiisad u dhaxeysa maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa ka jirta deegaanno kamid ah gobolka Galgaduud.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News