U bood dhigaalka

Dhageyso: Bam Lagu Tuuray Suuq Ku Yaalla Deegaanka Goof-gaduud Buurey Ee Baay

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya deegaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in suuq ku yaalla deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen dad badan lagu tuuray Bam nooca gacanta laga gano ah.

Arbaco walba waxa ay dadka ku dhaqan deegaankaasi iyo Tuulooyinka ku dhow isugu yimaadaan suuqan si ay u kala ganacsadaan, waxaana xilliga Bamka halkaasi lagu tuurayey la sheegay in mashquul badan uu ka jiray.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo Bamkan ka dhashay, hase ahaatee weli si rasmi ah looma hayo tirada dadka waxyeellada ay soo gaartay.

Ku dhowaad 10 qof oo dhaawacyo xooggan qaba ayaa loo soo qaaday isbitaalka magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu daweynayo.

Wariyaheenna C/qaadir War-cadde ayaa sheegaya in ciidanka DFS ay howlgallo ka wadaan deegaanka Goof-gaduud Buureey ee gobolka Baay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News