U bood dhigaalka

Dhageyso: Barakacayaal Hor Leh Oo Soo Gaaray Deegaanka Garasbaaley

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in loo soo gurmado qoysas hor leh oo ku barakacay deegaankaasi.

Maxamuud Xaashi Cali, guddoomiyaha waaxda Koowaad ee Garasbaaley oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in ku dhowaad 300 qoys ay soo gaareen halkaa, kuwaasi oo ka yimid degmooyin kale oo Muqdisho ah.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dadkan ay u baahan yihiin gurmad dhan walbo ah, ayna ka muuqato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Sidoo kale, Xaashi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir in wax loo qabto dadkan barakacayaasha ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News