U bood dhigaalka

Dhageyso: Barakacyaal Dalbanaya Gargaar Bani’aadannimo

Sheeko:Dalka

Qoysas kasoo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka Sh/hoose kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa dowladda federaalka ka dalbaday gurmad degdeg ah oo dhanka nolosha ah.

Waxay sheegeen qoysaskan in aanay haysan cunno, biyo iyo meel ay ku hoydaan islamarkaasna waxaa ay ka codsadeen  dowladda fedaraalka in ay la soo gaarto kaalmo degdeg ah.

Dadkan ayaa waxaa ay ka soo barakaceen Sh/hoose waxaana Magaalada Muqdisho ku heysata daruuf nololeed oo aad u adag waxaa ayna tilmaameen tan iyo markii ay yimaadeen in aysan helin wax gurmadka ah.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ayaa waxa ay ka codsadeen in ay la soo gaaraan kaalmooyin bani’aadannimo oo ay ka mid yihiin biyo, cuno, daawo iyo hooy intaba.

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News