U bood dhigaalka

Dhageyso: Barnaamij Wareed Subaxnimo Ee Goobjoog 13 0 4 2020

Sheeko:Amniga

Kulanti wacan oo wanaagsan dhageystayaal ku soo dhowaada barnaamij wareedka subaxnimo ee Goobjoog  qodobada ugu waa weyn waxaa ka mid ah.

Warbaahinta Goobjoog ayaa ka Cabanaysa Xadgudub ay Kala kulmaan Wasiir Khadijo Diiriye Iyo Guddoomiye Cabdiqani Carab.

Mdaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa xalay xilka madaxtinimada maamulka Galmudug ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Mudane. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo rogtay Bandow xilliyada habeenkii ah, iyadoo ay sii kordhayaan kiisaska caabuqa Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka Soomaliya ayaa sheegtay in ay soo kordheeen kiisas kale oo la xiriira Caabuqa COVID-1, iyo tirada guud oo sare u sii socota.

Somaliland ayaa sheegtay in lagu wareejiyey Qalab lagu baaro Cudurka COVID 19 oo ay ka heshay Hey’adda Caafimadka addunka.

Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdi kariim Cali Aadam iyo Xamdi Mahad Diiriye.

Goobjoog News