U bood dhigaalka

Dhageyso: Barnaamij Wareedka Galabnimo ee Goobjoog 17-03-2020

Sheeko:Dalka

Qodobada barnaamij wareedka galabnimo ee GoobjoogFM ugu doorka roon ayaa waxa ay kala yihiin:

Shirweynihii Wadatashiga aayaha Puntland ayaa manta lagu soo xiri doona Magalada Garowe, iyada oo laga soo saari doono war-murtiyeed koobaya ahmiyadda shirka.

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaliya ayaa Madaxweynaha Puntland ka codsaday in uu gogol u dhigo Madaxda Dowladda Federalka iyo Dowlad goboledyda xubnaha ka ah.

Howlgallo laga sameeyay Xaafado ka tirsan Magalada Boosaso aya lagu so qabtay rag la xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin Alshabab iyo Daacish.

Wasiirka Amniga Hirhsbeele ayaa sheegay in ay dhowaan billaaban doonaan howlgallo guud oo Al-shabab looga saarayo deegannada ay ka maamulaan Hirshabeele.

Xildhibaan ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha Jubbaland ee deegannada Maamulkasi uu la xiriiro xoreynta goobaha gacantooda ka maqan.

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaliya ayaa Madaxweynaha Puntland ka codsaday in uu gogol u dhigo Madaxda Dowladda Federalka iyo Dowlad goboledyda xubnaha ka ah.

Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdiwali Qorane

Goobjoogb News