U bood dhigaalka

Dhageyso: Barnaamij Wareedka Galabnimo ee Goobjoog 22-03-2020

Sheeko:Dalka

Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah:

Faa-faahinno ayaa ka soo baxaya weerar ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen shaqaale dhisayay waddo ku taalla inta u dhexeeysa Gobolka xeebta ah ee Lamu iyo deegaanka Garsen.

Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay booqashada Madaxweyne Deni ee la filayo in uu ku soo gaaro Muqdisho, kulana la qaato Madaxda Dowladda federaalka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu dhawaan billaaban doono safarka uu kula kulmi doono Madaxda Dowladda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Madixii sirdonka Al-shabab u qaabilsana Shabeellaha hoose..

Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdiwali Qorane

Goobjoog News