U bood dhigaalka

Dhageyso: Barnaamij Wareedka Galabnimo ee Goobjoog 23-03-2020

Sheeko:Dalka

Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah:

Laamaha Amniga Puntland aya shegay in ay gacanta ku soo dhigeen, rag looga shakiyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabab iyo Daacish.

Al-shabab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dil Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Xildhbaan ka tirsaana Golaha deeganka.

Maamulka Degmada Warsheikh ee Gobolka Shabeellaha dhexe aya sheegay in ay gacanta ku so dhigeen rag kufsi iyo dhac u gaystay dad shacab ah.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay in ku raad joogaan dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee laga helay Cudurka Corona gudaha dalkeenna.

Xildhbaan ka tiraan Aqalka sare ayaa sheegay Xukuumadda hadda talada haysa ay ku fashilantay in ay shaqo abuur u sameyso dhalinyarada Somaliyed.

Culimda ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa dadka ku nool jubboyinka kaga digay waxyaabaha dhalin kara Caabuqa Corona.

Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Bashiir Maxamuud Beerdaro

 

Goobjoog News