U bood dhigaalka

Dhageyso: Barnaamijka Caafimaadka Iyo Ramadaanka Oo Aan Maanta Uga Hadleyno Faa’idooyinka Caafimaad Ee Laga Helo Soonka

Sheeko:Caafimaadka

Barnaamijka Caafimaadka iyo Ramadaanka waxaan uga hadleynaa Maanta Faa’idooyinka Caafimaad ee laga helo Soonka.

Soonka waxaa uu leeyahay Faa’idooyin Caafimaad oo tiro badan waxaana ka mid ah:

1 . Jirka waxaa uu siinayaa raaxo, waxaa uuna ka nadiifinayaa waxyaabaha haraadiga wasaqda ah.

2 . Soonka waxaa uu soo celiyaa shaqada iyo Firfircoonida unugyada iyo Nudayaasha Jirka .

3. Soonka waxaa uu ilaaliyaa awoodda Jirka waxaa uuna u qeybiyaa Jismiga hadba inta uu u baahanyahay.

4. Soonka waxaa uu yareeyaa Cudurrada ay ka midka yihiin Kastaroolka, iyo cudurrada ku dhaca wadnaha.

4. Soonka waxaa uu ka hortagaa in ay xirmaan Tiiftaafyada Jirka.

5. Soonka waxaa uu caafimaad u yahay Cudurka Sonkorta, sidoo kale waxaa uu jirka ka yareeyaa dufanta iyo xeryta.

Soonka waxaa uu leeyahay Faa’idooyin Caafimaad oo tiro badan kaga bogo Barnaamijka Ramadaanka iyo Caafimaadka oo uu Soojeedinayo Dr Cabdullahi Naaji.

Halkan Hoose Ka Dhageyso

 

 

 

Goobjoog News