U bood dhigaalka

Dhageyso: Baxdo Oo Laga Hirgaliyey Isbitaal Iyo Xarun Boolis

Sheeko:Caafimaadka

Deegaanka Baxdo  ee gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horreysay laga hirgeliyey saldhig Booliis iyo sidoo kale xarun caafimaad.

Waxaa kaloo hadda la bilaabay dhismaha xarunta degmada Baxdo iyo suuq weyn oo deegaankaasi laga hirgeliyo.

Fulinta Mashaaricdan ayaa waxaa iska kaashanaya dadka deegaanka oo iskugu jira dhallinyaro,waxgarad iyo odoyaal iyaga oo gacan ka helaya Jaaliyadda deegaanka.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Baxdo ayaa waxaa ay kulamo ka yeesheen sidii deegaanka loo horumarin lahaa iyada oo la dhisayo ugu horreyn adeegyada asaasiga ah sida Isbitaal, Suuq iyo xarun boolis.

 

Goobjoog News