U bood dhigaalka

Dhageyso: Beello Lagu Heshiisiiyey Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Maamulka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in heshiis ay kala dhex dhigeen beello walaalo ah oo horey u dagaallamay.

Mukhtaar Nuur Geesey oo ah madaxa arrimaha bulshada ee deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalladan ahaayeen kuwo soo noq-noqday, balse ay ku guuleysteen daminta colaaddan.

Waxa uu tilmaamay in markii hore dagaalladan ka bilowdeen arrimo  la xiriira dhul, balse dedaal badan oo ay sameeyeen kadib xal laga gaaray arrintaasi.

Guddoomiye Geesey ayaa sheegay in xilligan aanu dagaal wanaagsaneyn, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed usoo jeediyey in la wada heshiiyo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News