U bood dhigaalka

Dhageyso: Beello Shir Nabadeyn Ah Uga Furmay Cadaado

Sheeko:Amniga

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa ka furmay shir dib u heshiisiin ah, kaasi oo ay isugu yimaadeen beello walaalo ah oo dega deegaannada ku dhow degmadaasi.

Shirkaan dib u heshiisiinta oo ay furtay wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa waxaa ka qeybgalaya waxgarad kasoo kala jeeda deegaannada Docoley iyo Gelinsoor oo hoostaga degmada Cadaado.

Cumar Maxamed Diiriye oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Galmudug ayaa sheegay in beelahan ay isku keeneen maanta, islamarkaana la isku celinayo waxyaabo ay horey u kala dhaceen dhallinyaro Labada dhinac kasoo kala jeedda.

Waxa uu sheegay in ay ka hortageen dhibaato weyn oo dhici lahayd, ayna ka rajeynayaan Labada dhinac in ay nabadda wada qaataan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News