U bood dhigaalka

Dhageyso: Biyo Xireen Laga Sameeyey Garbahaarey

Sheeko:Dalka
Biyo xireenkan laga sameeyey degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa ah mid looga gaashamanayo xilliyada roobabka Togag waa weyn ee mara magaalada,kuwaasi oo kala xiri jirey isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Biyo xireenkan oo dhererkiisu uu gaarayo ilaa hal KM ayaa waxaa ka faa’ideysanaya dad gaaraya ilaa 90 qoys oo ah Beeraley roob falato ah.
Cabdiraxmaan Xuseen waxaa uu ka mid yahay guddiga loo xilsaarey dhismaha Biyo xireenka, waxuuna uu Goobjoog u sheegayin biyo xireenkan inta aan la sameynin dadka deegaanka ay dhib weyn ku qabeen roobabka marka ay da’aan ayna dhibaato badan soo gaari jirtey xaafadaha iyadoo biyaha kasoo daata Togagga iyo Buuraha ay ku soo rogman jireen xaafadaha iyo Isbitaalka degmada.
Halkaan hoose ka dhageyso: