U bood dhigaalka

Dhageyso: Booliiska Cadaado Oo Faah Faahiyey Howlgallo Ay Sameeyeen

Sheeko:Dalka

Taliska booliiska degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen degmadaasi iyo deegaanno kale oo gobolka ah.

Taliyaha saldhigga Booliiska Cadaado Cumar Macallin Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen Geel badan oo lasoo dhacay, islamarkaana ay sidoo kale lasoo qabteen raggii watey.

Sidoo kale waxa uu taliyaha sheegay in ciidamada ay soo qabteen 5 qof oo iyaguna ku eedeysan iney soo dhaceen Geel, islamarkaana qashay, balse ragga ay cadaaladda horgeyn doonaan.

Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in marnaba aanay aqbali doonin in suuqyada degmada Cadaado la keeni karin Hilib geel oo aan laga warhayn si loo xaqiijiyo in Geella la qalay yahay mid lasoo xaday iyo in kale.

Suuqayada degmada Cadaado ayaa maalmihii dambe waxaa la keenayay Hilinbka Geel la sheegay in laga soo xado deegaannada kale ee gobolka Galgaduud.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News