U bood dhigaalka

Dhageyso: Bulshada Rayidka Puntland Oo Rajo Ka Qabtay In Habsami u Dhacaan Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Ururada bulshada rayidka Puntland ayaa sheegay in rajo badan ay ka qabaan in nabad ay ku dhamaato doorashada madaxtinimo maamulkaas.

Feysal Warsame, guddgoomiyaha ururada bulshada rayidka PUNSA ee puntland oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dhankooda ay korjoogta ka ahaan doonaan sida doorashadaas u dhici doonto, iyaguna aysan jirin cid ay taageero u hayaan.

Sidoo kale, guddoomiye Faysal ayaa sheegay in Puntland u rajeynayaan iney ka dhacdo doorasho xalaal ah oo aan cidna lagu eedin.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa tilmaamay in ay doorashada kadib soo gudbin doonaan warbixin dheer oo ku aadan sida ay wax walbo u dhaceen.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News