U bood dhigaalka

Dhageyso: Buubaa “Wada Hadalladii Somalia Iyo Somaliland Waa In Dib Loo Furaa”

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Ismaaciil Hurre Buubaa haddana ka tirsan madaxda xisbiga mucaaradka Waddani ee Somaliland oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland.

Wuxuu sheegay in wada hadalladaasi oo sanadihii dambe hakad galay ay yihiin kuwa caqabad weyn ku ah isfahamkii labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargaysa.

Waxaa uu sheegay in qowmiyadda Soomaalida ay wanaagsanaan lahayd in ay gartaan waxa ay aqoonsadeen, shucuubta ku nool dowladaha dariska ah sida Itoobiya iyo Eratariya oo dhowaan ka heshiiyay colaado malaayiin qof ay ku dhinteen oo muddo 20 sano ka dhex aloosnaa.

“Arrintaas waxaa u arkaa caqabad aad iyo aad u culus oo geeddi u socodka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Somalilandba dhibaato weyn ku ah oo loo baahan yahay si hufan, oo deggan oo waaqica ku salleysan wada hadalkii la furo” ayuu yiri siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Farmaajo ayuu ku eedeeyay in aynaan u soo jeedin dib u habaynta dastuurka KMG ee dalka u degsan si ay u kala caddaato awoodaha ay kala leeyihiin dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News