U bood dhigaalka

Dhageyso: Cabdi Barre “MW Farmaajo Ma Ahayn Inuu U Yeero Taliyeyaal Ciidan, Sababtoo Ah…”

Sheeko:Amniga

Siyaasi Cabdi Barre Jabriil oo horay u soo noqday xildhibaan baarlamaankii sagaalaad ayaa nala fallanqeeyay kulankii degdegga ahaa ee maadxweynaha Soomaaliya maantadan uu ugu yeeray taliyeyaasha ciidamada kale duwan ee dalka.

Qaraxyo seddex ahaa oo galabkii khamiista ka dhacay magaaladani Muqdisho kuwaasoo gallaaftay nolosha dad fara badan ayaa sababta loo qabtay kulanka lagu sheegay.

Xildhibaan hore Cabdi Barre Jabriil ayaa Goobjoog News ay wax ka weydiisay dadaalka hay’adaha amniga ay wadaan, hadallada madaxda dalka ay sheegaan oo ah in amni darrada wax laga qabanayo haddana ay weerarradii dhacayaan waxa qaldan.

Wuxuu sheegay in sugidda amniga aynaan dowladda federaalka ah daacadi ka ahayn, islamarkaana wada shaqeyn shacabka iyo dowladda ah aynaan jirin.

Siyaasi Cabdi Barre ayaa saraakiisha amniga qaabilsan ee xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen howlihii loo igmaday islamarkaana ay ku jeesteen howlo kale.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in qaraxyada dhacaya dadka ku dhintay ay masuuliyaddooda cid lagu la xisaabtamo la helo.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News