U bood dhigaalka

Dhageyso: Cabsi Laga Qabo In Mar Kale Wabiga Shabeelle Uu Ku Fataho Baladweyne

Sheeko:Dalka

Guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay saameyn ay nolosha magaalada Baladweyne ku yeesheen roobab maalmihii dambe ku hooray magaaladaasi.

Sheekh Xuseen Cismaan ayaa daboolka ka qaaday in qoysas danyar ah oo magaalada iyo hareeraheeda deggan ay yihiin kuwa ugu horreeya ee saameeyeen biyaha ka yimid roobabkani.

Garoonkii diyaaradaha magaalada Baladweyne ayay sidoo kale saameeyeen roobabka xilliga deyrta ee ku da’ay magaaladaasi.

Dhanka kale, wuxuu ka dhawaajiyay in ay jirto walaac ay ka qabaan fatahaad wabiga Shabeelle uu mar kale ku sameeyo magaaladaasi.

Arrintaasi wuxuu u sababeeyay in ay dhici karto haddii roobabka ka da’aya magaalada Baladweyne ay sii lixaadsadaan.

HOOS KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News