U bood dhigaalka

Dhageyso: Caqabadaha Soowajaha Warshadaha Yaryar Ee Laga Hirgaliyey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah Warshadaha yaryar ee laga hirgaliyey dalka ayaa isku dayay inay buuxiyaan kaalinta waxyaabaha dalka dibaddiisa laga keeno, si loo dhiiro galiyo arrintaasi ayaa ah in la isticmaalo wax soosaarkooda.

Dhowr Warshadood oo ay ka mid yihiin Warashadda Sameysa Caanaha oo lagu magacaabo Irmaan Dheeri iyo Warshadda kale ee Astur Uniform oo iyadana dharka soo saarta ayaa ka mid ah warshadaha laga hirgaliyey magaalada Muqdisho, dhammaantood waxay soo saaraan waxyaabo kala duwan balse arrinta jirta ayaa ah caqabado soo wajaha waxayna keentay taas in qaarkood ay xirmaan oo shaqadii ay wadi waayaan.

Sababaha ay shaqada u sii wadi waayeen qaarkood warshadaha ayaa ah in wax soo saarkoodii laga keenay dalka dibaddiisa sida uu Goobjoog News uu u sheegay Cabdulqaadir Maxamed Salaad oo ah maamulaha warshadda Caanaha sameysa ee Irman Dheeri.

“Shirkaddaan waxaa la aas-aasay 2017-kii balse caqabado jiro darteed waxaa xoogaa naga istaagay wax soosaarkii mar labaad ayaan dib u aas-aasnay 2018-dii caqabadaha aan la kulanay waxaa ka mid ahaa korontada aan shaqada ku qabaneyno oo qiimaheeda aad u sarreeyay”.

Warshadahaan ayaa awooda in ay muujiyaan wax soosaarkooda waxaana ku arkeysaa gudaha Muqdisho dhanka kale Warshadda Astur Uniform oo ah warshad soo saarta dharka ayaa ka mid ah warshadaha yaryar ee ka jira Muqdisho caqabadaha ay la kulmaan waxaa ka mid ah in dadka aysan aaminsaneyn oo ay barteen kaliya dharka dibadda laga keeno.

Cusamaan Cali ibraahim oo ah Maamulka warshaddaan ayaa ka hadlaya caqabadaha  soo wajahay.

“Dadka waxaa ay iska dhaadhiciyeen sheyga dibadda laga keeno ayaa ka tayo fiican midka gudaha dalka lagu sameeyay “.

Bilow Fiican ayay u noqonayaa warshadaan dalka waxayna taasi keeneysaa in la dhiiro galiyo wax soosaarka gudaha si loo yareeyo waxyaabaha dalka dibadda uga yimaada.

 

 

 

 

 

 

 

Cabdiwahab Maxamed Ibrahim

Goobjoog News