U bood dhigaalka

Dhageyso: Caruur Shuban Biyood Ugu Geeriyootay Kaam Ku Yaalla Muqdisho

Sheeko:Caafimaadka

In ka badan Shan Carruur ah ayaa cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyootey Kaam ku yaalla degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Kaamkan waxaa ku nool barakacyaal u badan kuwii dhowaan kasoo barakacay Magaalada Marka ee gobolka Shabellaha hoose, iyadoo dhanka kale dadka ku nool halkaasi ka cabanayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Qaar ka mid ah Caruurta ku nool Kaamkan ayaa waxaa ay la il daranyihiin cudurka Shuban biyoodka oo soo ritay shan ka mid ah ayaa u geeriyooday halka qaar kalena lagu daweynayo Isbitaalka Banaadir.

Kaamkan oo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku nool dad badan oo barakacyaal ah kuwaasi oo ka soo barakacay Shabellaha hoose halka kuwo kalena ay horay ugu sugnaayeen kaamka, waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in ay haysato xaalad baniโ€™aadannimo oo aad u liidato.

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News