U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidamada DFS Oo Howlgal Ka Sameeyay Jubbooyinka

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen Jubbada hoose ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Korneel Maxamed Buulle oo ka mid ah saraakiisha taliskan ayaa Goobjoog News u sheegay in sidoo kale ay fureen waddooyin u xirnaa Al-shabaab.

Korneel Maxamed Waxaa uu sheegay in howlgalkan ay fuliyeen ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland isaga oo tilmaamay in ay dileen dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii dambe waxaa ay howlgallo ka dhan Alshabaab ka wadeen qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka waxayna sheegeen saraakiisha ciidamadan ay dileen xoogag ka tirsan Alshabaab inta ay socdeen howlgalladan.

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News