U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Magaalada Janaale

Sheeko:Amniga

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga oo lagu magacaabo Macallin Suugaani ayaa Goobjoog News waxa uu u sheegay in ciidanka dowladda ay saakay gabi ahaanba la wareegeen magaalada janaale ee gobalka Shabeelaha hoose.

Sarkaalka ayaa sheegay in iska hor imaad ciidanka dowladda iyo Al shabaab ku dhexmaray magaaladaasi uu ka dhashay khasaare kala duwan isaga oo xusay in 9 dagaalame ay ka dileen dhaqdhaqaaqa Al shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Macallin Suugaani ayaa tilmaamay in shacabka ku dhaqan Janaale ay kala kulmeen soo dhoweyn aad u wanaagsan waxa uuna intaas hadalkiisa ku daray in degmooyin iyo deegaano kala ay kala wareegi doonaan Al shabaab.

Ugu dambeyn sarkalkan ayaa inoo sheegay in xaaladda degmada ay haatan tahay mid degan.

Halkan ka dhageyso wareysiga Sarkaalka

Goobjoog News