U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidamada NISA Oo Dharcad Laga Dhigayo

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow ayaa sheegay in mustaqbalka dhow ciidamada NISA dhammaantood loo celinayo sidii ay ahaan jireen ee ah dhar cad, islamarkaana aan la arki doonin ciidan hubeysan oo NISA ah ama calaamadahaasi oo meello ku buufsan.

Waxa uu sheegay wasiirka in muhiim ay tahay in ciidankan dib loogu celiyo sidii ay ahaan jireen, howlaha ay hadda qabtaan loo yeeli doono ciidamo kale oo gaar ah.

“NISA waxaa kusoo rogi doonaan mustaqbalka dhow dharcad iney noqdaan sidii ay ahaan jirtay oo waxaan laga reebo waa sax, NISA calaamad ku buufsan in laga arko lama rabo mana la arki doono haddii uu Alle yiraahdo” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Islow ayaa dhanka kale sheegay in la sameyn doono ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda kuwaasi oo ka howlgala magaalada Muqdisho ammaankana suga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay sugista amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso codka

Goobjoog News