U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidamo Ka Gadooday Jowhar Oo Gaaray Jalalaqsi, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsanaa ilaalada madaxtooyada Jowhar oo gadooday ay gaareen magaaladaasi.

Guddoomiyaha degmadan Maxamed Cabdulle Fiidow oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamadan iyo kuwo kale oo iyaga daba socday ay soo gaareen degmada Jalalaqsi, xaaladuna ay tahay mid aad u deggan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in degmadaasi aanay ka jirin wax xiisad ah, islamarkaana wadahadal u socdo ciidamada soo gadooday iyo sidoo kale kuwa kale ee ka daba yimid si ay dib ugu celiyaan.

Guddoomiye Fiidow ayaa sheegay in taliyaha gurmadka Hirshabelle uu ka dabo yimid ciidamadan gadooday, islamarkaana weli wadahadalka uu socdo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News