U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhaq-dhaqaaqyo Ka Wada Shabellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka warbixiyey howlgallo ay ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolkaasi iyo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan.

Cabdi Cali Raage, taliyaha ciidanka xoogga dalka ee ururka 17-aad ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in ulajeedkoodu yahay sidii Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay gobolkaasi kaga sugan yihiin.

Wuxuu sheegay taliyaha in ciidanku ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo Shabellaha Hoose ah, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen dad looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Taliye Raage ayaa dhinaca kale sheegay in ciidanka xoogga dalka ay socon doonaan inta ay dalka oo dhan ka saarayaan Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News