U bood dhigaalka

Dhageyso: Cosoble Oo Baaq Nabadeed Diray

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa baaq nabadeed u diray beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deeganano ka mid ah gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay Cosoble iney jirto hub uruursi ay kala wadaan beelahan oo deegaan ahaan kala deggan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, cabsidana ay tahay iney dagaallamaan marka uu Ramadan dhammaado.

Cosoble ayaa ka codsaday madaxda Galmudug iyo Hirshabelle in ay si degdeg ah ugu baxaan xiisaddan ka hor inta aanu dagaal dhicin.

Sidoo kale, madaxweyne ore Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ugu baaqay madaxweynaa dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre in ay kaalin ka qaataan baajinta dhiig dad walaalo ah oo daata.

Deegaanno ku yaalla halka ay xadka ka wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa ka jirta xiisad u dhaxeysa beello walaalo ah oo deggan deegaan dhanka Hiiraan soo jira.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News