U bood dhigaalka

Dhageyso: Culimada iyo Haweenka Soomaaliyeed Oo Cambaareeyey Falkii Lagu Gubey Muwaadinka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Culimada Soomaaliyeed  iyo Ururada udooda xuquuqda haweenka iyo carruurta ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu gubay muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxa ay si wada jir ah u sheegeen in falkaasi uu ahaa mid ka baxsan bini’aadannimada islamarkana ay tahay mid shacabka kala fogeyneysa.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayey si wada jir ah uga dalbadeen in cadaaladda la horkeeno cid kasta oo lug ku laheyd in marxuumkaas naftiisa uu waayo.

Culimada ayaa si gaar ah waxay u sheegeen in diinta aanay qabin in la faquuqo qof muslim ah, dambina ay tahay in qof lagu xad-gudbo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News