U bood dhigaalka

Dhageyso: C/weli Gaas Oo Sheegay In Diyaarad Dawo Ah Iyo Dhaqaatiir Usoo Dirayaan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay magaalada Muqdisho usoo diri doonaan dhaqaatiir iyo sidoo kale diyaarad dawo ah, si ay uga qeybqaataan gurmadka wax loogu qabanayo shacabkii ku waxyeeloobay qaraxii  ka dhacay Zoobe.

Gaas ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin wixii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay iney u midoobaan la dagaalanka Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in ay guddi wasiiro Puntland ah u saareen u gurmashada shacabka ay waxyeellada kasoo gaartay qaraxii Zoobe.

“Maadaama dhibaatada hadda ay taagan tahay oo culeyska uu jiro in diyaarad dawo ah, dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal ay sii hormaraan, wixii ka dambeeyana guud ahaan reer Puntland u howlgalno sidii aan si mug leh uga qeybqaadan lahayd taageeradeena ugu muujin lahayn walaalaheena dhibka soo gaartay” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News