U bood dhigaalka

Dhageyso: Daahir Ciirro “Gaas Waa IL Duufay Magacaabista Maamulka Nugaal”

Sheeko:Amniga

Xildhibaan hore Daahir Cabdulqaadir Muuse(Daahir Ciirro) ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga warramay isbedal uu madaxweynaha dowladda Puntland DR Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku sameeyay maamulkii iyo taliskii booliska gobolka Nugaal.

Wuxuu sheegay siyaasigu in isbeddalka uu madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas sameeyay marka loo eego ragga uu u magacaabay guddoomiyaha iyo taliska qeybta booliska ee gobolka Nugaal loo fasiran karo in Madaxweynuhu ilduufay.

Arrintaas wuxuu ku sababeeyay in gobolka Nugaal aan muddo loo magacaabin masuuliyiin wax u qaban karta.

Wuxuu soo dhoweeyay tallaabada madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas uu ugu magacaabay gobolka Nugaal maamulka cusub, isagoo maamulka sheegay inuu ka filayo in wax badan uu ka qaban doono xaaladaha amni darrada ay kamid tahay.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News