U bood dhigaalka

Dhageyso: Dab Ka Kacay Xero Barakac Oo Ku Taalla Degmada Kaxda Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Dab ka kacay kaam ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa burburiyey dhismayaal ay deganaayeen dadka barakacayaasha ah.

Axmed Macallin Xuseen oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dedaal badan oo la sameeyey kadib dabkaasi la damiyey, islamarkaana ay ku gubteen 40 guri oo ah kuwa cooshadaha ka sameysan oo ay deganaayeen dadka barakacayaasha ah.

Waxa uu sheegay Axmed, in dabkan uu ka dhashay burjiko halkaasi taallay, islamarkaana hadda ay dad badan ay banaanka jiifaan.

Shacabka degmada Kaxda ayuu sheegay iney u gurmadeen dadkaasi, balse weli u baahan yihiin caawinaad.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News