U bood dhigaalka

Dhageyso: Dabageed Oo Xabsiga U Taxaabay Masuuliyiin Ka Tirsan Maaliyadda Gobolka

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa gallinkii dambe ee maanta xabsiga u taxaabay shaqaale ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Hirshabeelle.

Shaqaalahani oo ka howlgalayay xarunta maaliyadda gobolka ee magaalada Baladweyne ku taalla ayaa caawa xabsiga ku hoyanaya.

Goobjoog News ayaa ogaatay in amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar lagu xiray shaqaalahani.

Xubnaha la xiray ayaa la garanayn sababta xarigooda ka dambeeysa, waxaase warar horudhac ah ay sheegayaan in muran uu soo kala dhex galay, waxaana sidoo kale tiradooda lagu sheegay inay yihiin labo qof oo rag iyo dumar.

Waa amarkii ugu horreeyay oo ka soo baxa guddoomiyaha dhowaan loo magacaabay gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News