U bood dhigaalka

Dhageyso: Dad Lagu Soo Qabtay Howlgal Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay ka sameeyeen howlgal ballaaran oo ammaanka lagu sugayey.

Howlgalladan ayaa ka dhacay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi, waxaana ciidamada ay galeen qaar ka mid ah guryaha ku yaalla Gaalkacyo.

Wariyaheenna Cali Nuur Cayn ayaa soo sheegaya in howlgalkan lagu soo qabtay tiro dad ah oo lala xiriirinayo iney maleegayeen falal amni darri iyo sidoo kale in magaaladaasi ay soo geliyeen waxyaabaha maanka dooriya.

Lama shaacin tirada rasmiga ah ee dadka howlgalkaan lagu soo qabtay, iyadoo welina saraakiisha ammaanka aanay arrintan ka hadal.

Halkaan hoose ka dhageyso:

130702_002

Goobjoog News