U bood dhigaalka

Dhageyso: Dad u Dhintay Cudurro Ka Dilaacay Ceelwaaq, Gedo

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in degmadaasi iyo deegaanno ku dhow ay dad ugu dhinteen cudurro halkaasi ka dilaacay.

Ugu yaraan 7 qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen degmadan, kadib markii halkaasi uu ka dillaaceen cudurrada Shuban Biyoodka, Duumada iyo sidoo kale Jadeeco.

Sahal Macallin Aadan oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Ceelwaaq ayaa Goobjoog News u sheegay in dadka dhintey u badan yihiin carruur.

Waxa uu Sahal sheegay in meelaha ugu daran ee cudurradan ka jiraan ay tahay deegaannada hoostaga degmada Ceelwaaq, sida Buusaar, Garsaal, Garilley, Caws-quran iyo dhulka Miyiga ah.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa dhinaca kale tilmaamay in aanay jirin wax gurmad ah oo lala gaaray deegaannadan, isaga oo ku baaqay in dadkaasi lasoo caawiyo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News