U bood dhigaalka

Dhageyso: Dadaallo Lagu Qaboojinayo Xiisad Ka Taagan Ceelwaaq

Sheeko:Amniga

Dedaallo lagu qaboojinayo xiisado ka dhashay dilal iyo afduub ka dhacay degmada Ceel-waaq ayaa ka soconaya degmadaasi.

Nabadoon Maxamed Xuseen oo ka mid ah waxgaradka Ceel-waaq ayaa Goobjoog u sheegay in shacab Soomaali ah oo carreysan ay dileen Shan qof Kenyan ah, meeshaasina ay xiisadda ka bilaabatay.

Xiisaddan ayaa timid kadib markii ciidamada Kenya ay dileen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Ceel-waaq halkaasna ay ka bilaabatay xiisadda iyada oo shacabka Soomaalida ay dileen shan qof oo Kenyaati ah .

Ciidamada Kenya ayaa marayay deegaanka waxaana lala beegsaday qarax kadibna waxaa ay qabsadeen shan qof oo ka mid ah dadka degan Ceel-waaq iyaga oo dilay.

Goobjoog News