U bood dhigaalka

Dhageyso: Dagaal Beeleed Ka Dhacay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka dhacay deegaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Waxa ay beelahan isku haystaan sida la sheegay dhul beereed halkaasi ku yaalla, waxaana inta uu dagaalka socday la xaqiijiyey iney ku dhinteen Saddex qof, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan yahay.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog, in hadda xaaladda ay tahay mid deggan, hase ahaatee shacabkii ayaa bilaabay iney halkaasi isaga barakacaan.

Ma jirto cid kala dhex gashay maleeshiyaadkan dagaallamay, iyadoo xilli walbana la filan karo dagaallo dib u bilowda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News