U bood dhigaalka

Dhageyso: Danjire Sheegay In Qalalaase Siyaasadeed Uu Abuurayo Kulanka 3-da Hoggaamiye Ee Itoobiya

Sheeko:Amniga

Danjire Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faallooda arrimaha diblumaasiyadda iyo siyaasadda wadamada gobolka ayaa wax ka weydiinnay kulanka madaxda Soomaaliya, Eratariya iyo Itoobiya ay ku yeelanayaan Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Hoggaamiyaha Eratariya Afawerki ayaa lagu sheegay mid lagaga hadli doono heshiis horay ay ugu gaareen Asmara bishii September ee sanadkani 2018-ka.

Warar diblumaasiyadeed oo ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxda kulankooda uu qeyb ka yahay dadaalka lagu doonayo in Eratariya cunaqabataynta hubka looga qaado.

Arrintani waxay walaac ku abuurtay dowladda Jabuuti oo muddo 10 sano colaad kala dhaxeeysa Eratariya kuwaasoo isku haya gobolka Jaziiradda ah.

Danjire Maxamed Caalim ayaa qaba kulanka seddex hoggaamiye oo ay ka maqan yihiin saaxiibadood kale ee gobolka uu u arkayo mid sii abuuraya qalalaase siyaasadeed oo soo kordha.

HOOS KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News